WAR CUSUB: Javier Tebas oo si adag uga jawaabay bayaanka Real Madrid

Madaxweynaha LaLiga, Javier Tebas, ayaa si adag uga jawaabay bayaankii Real Madrid ee lagu dhaliilay hab-dhaqankiisa iyo hadalladii uu ka sheegay cabashooyinka kooxda ee ku saabsan garsoorkii kulankii Atlético Madrid, Kulanka derby-ga Madrid oo Atlético Madrid ku badisay 2-1, ayaa muran ka dhaliyay go’aannadii garsoorka, iyadoo Real Madrid ay si rasmi ah uga cabatay qaabka ciyaarta loo maamulay.

Tebas oo qoraal ku daabacay akoonkiisa rasmiga ah ee X ayaa sheegay inuu akhriyey bayaanka Real Madrid, balse uu hal qodob oo keliya si buuxda ula qabo, Wuxuu yiri Madaxweynaha LaLiga uusan ahayn milkiilaha horyaalka Spain, balse wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Real Madrid-na uusan ahayn milkiilaha LaLiga.

Tebas ayaa sheegay in matalaadda dhammaan kooxaha ay ka dhigan tahay in la ilaaliyo mabaadi’da sinnaanta iyo caddaaladda ee kooxaha dhexdooda, Madaxweynaha LaLiga wuxuu sheegay in kooxdu xaq u leedahay inay dhaliisho go’aan garsoore, balse uu farqi weyn u dhexeeyo dhaliil go’aan gaar ah iyo in guuldarro kasta loo fasirto inay qayb ka tahay shirqool ka dhan ah Real Madrid.

Tebas ayaa su’aal ka keenay in sheegashada ah in garsoorayaashu si gaar ah u bartilmaameedsadaan Real Madrid ay kordhinayso kalsoonida lagu qabo horyaalka iyo kubadda cagta Spain iyo in kale.

Tebas ayaa sidoo kale ku eedeeyay Real Madrid inay muddo sanado ah adeegsanaysay kanaalka telefishinka kooxda iyo warbaahinteeda si ay u faafiso doodda ah in natiijooyinka LaLiga la farageliyo, Wuxuu sheegay inuusan Real Madrid u oggolaan doonin inay sheegashadeeda ku soo bandhigto qaab u muuqda inay tahay aragti ka timid dhinac kale.

Tebas ayaa sidoo kale kala saaray dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida, Wuxuu sheegay in madax-bannaanidu ay tahay in go’aannada lagu saleeyo qaddarin iyo faham shakhsiyeed oo aan cadaadis ama ku-tiirsanaan lagu dhisin, iyadoo xeerarka si isku mid ah loogu dabaqayo dhammaan kooxaha, Sida uu sheegay, matalaadda dhammaan kooxaha macnaheedu ma aha in LaLiga ay u hoggaansanto kooxda ugu awoodda badan.

Tebas ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo sheegay:- “Anigu ma ihi milkiilaha LaLiga, mana u maamuli doono sidii inay leedahay hal koox oo keliya. Qof walba waan ixtiraamaa, mana jiro qof aan daacadnimo gaar ah ugu leeyahay.”

Hadalladan ayaa sii xoojiyay khilaafka hadalka ah ee u dhexeeya Real Madrid iyo Javier Tebas, iyadoo labada dhinac ay isku maandhaafsan yihiin arrimaha garsoorka, maamulka LaLiga iyo sida loo ilaalinayo kalsoonida horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga