Estevao oo ka hadlay fursad la’aanta Chelsea iyo qorshihiisa uu ku kasbanayo booska

Xiddiga reer Brazil ee Estevao Willian, oo 19 jir ah, ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo inuu dib ugu soo laaban karo shaxda hore ee Chelsea, inkastoo uusan weli bilaabin kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan isagoo hoos imaanaya tababare Xabi Alonso.

Estevao ayaa ilaa hadda Premier League ka ciyaaray 23 daqiiqo oo keliya, taasoo dhalisay warar sheegaya inuu walaac ka qabo waqtiga ciyaareed ee uu ka helayo Stamford Bridge,  Laakiin Alonso ayaa ciyaaryahanka u xaqiijiyay inuu qayb muhiim ah ka yahay qorshaha kooxda, isla markaana xilli ciyaareedku uu weli dheer yahay.

Estevao, oo Chelsea kaga soo biiray Palmeiras xagaagii hore heshiis bilowgiisu ahaa £29 milyan, ayaa sheegay inuu maalin kasta si adag u shaqeynayo si uu u helo fursad uu tababaraha ugu qanciyo.

Wuxuu sheegay in tababare kasta uu leeyahay qaab ciyaareed u gaar ah, isaga oo diiradda saaraya waxyaabaha uu awooddiisa ku maamuli karo, sida inuu si wanaagsan u tababarto, marka fursad loo siiyana uu sameeyo waxa ugu fiican.

Estevao ayaa sidoo kale sheegay inuu isku dayayo inuu ka faa’iideysto fursad kasta oo lasiiyoo, isagoo kalsooni weyn ku qaba naftiisa, isla markaana natiijada ugu dambeysa uu Ilaahay u daayo, Dhankiisa, Xabi Alonso ayaa sheegay in wada-hadallada gaarka ah ay tahay inay sir ahaadaan, balse uu Estevao leeyahay dabeecad iyo maskax wanaagsan, isla markaana uu diyaar u yahay inuu mar walba u diyaar garoobo kooxda.

Alonso ayaa sidoo kale xusay in xilli ciyaareedku dheer yahay, isla markaana uu doonayo ciyaartoy leh rabitaan, gaajo iyo dadaal joogto ah, isagoo xaqiijiyay in Estevao uu qayb ka yahay qorshahaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga