Sancho, Guimaraes, Musiala, Marmoush, Diaz, Raphinha, Toney & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa dalban doonta qiimo u dhexeeya 40 ilaa 50 milyan si ay u iibiso Jadon Sancho xagaagan, waxayna diyaar u tahay inay khasaare qaadato maadama ay 73 milyan kula soo wareegtay sanadki 2021 Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa haatan qaab ciyaareed wanaagsan ku jooga Borussia Dortmund (Football Insider).

Arsenal ayaa diyaar la ah lacag dhan £60m si ay ula soo wareegto kubad sameeyaha Real Madrid Brahim Diaz kaas oo ka soo hoos shaqeeyay Mikel Arteta intii ay ku sugnaayeen Manchester City (El Nacional).

Chelsea ayaa dib u soo celin karta xiisaha ay u qabto garabka Crystal Palace Michael Olise xagaagan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge xagaagii hore (Rudy Galetti).

Kooxda Liverpool ayaa ku jirta tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee Bruno Guimaraes (Eduardo Burgos).

Man Utd ayaa weli isha ku heysa inay la soo wareegto Olise, maamulkooda ayaana si buuxda ugu heshiiyey in la bartilmaameedsado xagaagan (Express).

Manchester City ayaa diyaar u ah inay qaado qorshaheeda weyn ee ah inay Rodri ku lammaaniso khadka dhexe ee Newcastle Bruno Guimaraes, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 100 milyan (AS).

Barcelona ayaa dalab ka badan 70 milyan ka heshay Saudi Pro League oo ay ku doonayaan Raphinha Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lala xidhiidhinayaa 4-ta kooxood ee ugu waaweyn sucuudiga (Sport).

Liverpool waxaa ka go’an inay xagaagan keento Jamal Musiala, laakiin Bayern Munich ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo xiisaha Liverpool waxana ay dalbanaysaa lacag dhan 100 milyan oo euro Musiala ayaa diiday dhowr dalab oo qandaraas ah iyada oo heshiiskiisa haatan dhacayo 2026 (Football Insider).

Erik ten Hag ayaa sheegay in Marcus Rashford uusan ka tagi doonin Manchester United xagaagan inkastoo lala xiriirinayo Paris Saint-Germain (Manchester Evening News).

Xiddiga Lala xidhiidhinayo Arsenal ee Ivan Toney ayaa qirtay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid xagaaga (Romano).

Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka weerarka ka ciyaara ee Omar Marmoush kaas oo ay Reds u aragto badalka mustaqbalka fog ee Mohamed Salah (Bild).

Man United ayaa khasaari doonta lacag dhan 10 milyan oo euro hadii ay u soo bixi waydo champions League (Times).

Xiddiga Lewandowski ayaa sheegay in uu xilli ciyaareedka dambe sii joogi doono kooxda Barcelona (footballtransfers).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga