Rikoodhka 3-dii Natiijo Ee Ugu Dambeeyay Ee Ay Arsenal La Ciyaartay Bayern Munich

Kooxda Arsenal ayaa ku aaday Bayern Munich wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa rikoodh aad u liita ku leh kulamadii ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Bayern Munich tartanka champions League.

Arintaas ayaa wal-wal ku noqon doonta Taageerayaasha Arsenal ka hor kulankooda champions League ee bisha dambe.

Gunners ayaa dhamaan guuldaro kala kulantay Bayern Munich 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Champions League.

Arintaas waxa dheer in ay Bayern Munich guulo waaweyn ka gaadhaysay Arsenal 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee tartanka champions League.

Bayern ayaa Arsenal kaga badisay 5/1 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay champions League la ciyaartay kooxda Arsenal.

Guud ahaan Bayern Munich ayaa dhalisay 15 gool 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee champions League halka ay Arsenal dhalisay kaliya 3 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga