Sadio Mané ayaa dib u xusuustay sheekadii ku saabsanayd inuu ku biiri lahaa Manchester United sannadkii 2016, balse hal wicitaan oo uu ka helay tababarihii Liverpool ee xilligaas, Jürgen Klopp, uu beddelay go’aankiisa, taas oo ugu dambeyn keentay inuu u dhaqaaqo Anfield, Mané ayaa markaas ka tirsanaa Southampton, waxaana qaab ciyaareedkiisa wanaagsan kadib si weyn u doonayay kooxo waaweyn oo Premier League ah, Manchester United iyo Liverpool ayaa labaduba xiiseynayay saxiixiisa, iyadoo Old Trafford ay u muuqatay meesha uu u dhaqaaqi doono.
Xiddiga reer Senegal ayaa sheegay in heshiiska Manchester United uu aad ugu dhowaa inuu dhaco, xitaa isagoo la kulmay madaxda kooxda, waxaana uu wada hadal la yeeshay Louis van Gaal oo markaas ahaa tababaraha Manchester United, Mané ayaa sannadkii 2019 u sheegay Mirror inuu aad ugu dhowaa inuu ku biiro Manchester United, isagoo sheegay inuu kooxda la kulmay, isla markaana uu wadahadal la yeeshay tababarihii markaas joogay.
Wax walba ayaa is beddelay markii Jürgen Klopp uu Mané taleefan kula soo xiriiray, Tababaraha reer Germany ayaa u sheegay ciyaaryahanka inuu aaminsan yahay in Liverpool ay tahay kooxda ku habboon isaga iyo in Anfield uu yahay meesha saxda ah ee uu xirfaddiisa ku horumarin karo.
Mané ayaa sheegay in wicitaanka Klopp uu saameyn weyn ku yeeshay go’aankiisa, waxaana uu ugu dambeyn go’aansaday inuu Liverpool ku biiro, Klopp ayaa sidoo kale horey isku dayay inuu Mané la saxiixdo xilligii uu tababaraha ka ahaa Borussia Dortmund, balse heshiiskaasi ma uusan hirgelin. Markii uu Klopp u soo wareegay Liverpool, wuxuu mar kale isku dayay inuu helo ciyaaryahanka.
Mané wuxuu xusay in Klopp uu ugu sheegay telefoonka in isku daygii hore uusan u hirgelin, isla markaana uu doonayo inay mar kale wada shaqeeyaan, Dhanka kale, Mané wuxuu sheegay in xilligaas Manchester United ay sidoo kale wadahadal kula jirtay isaga, iyadoo kooxda ay ku jireen ciyaartoy waaweyn sida Wayne Rooney, Ángel Di María iyo Memphis Depay.
Manchester United ayaa ugu dambeyn markii ay ku guuldarreysatay inay Mané la soo saxiixato, waxay heshiis la gaartay Anthony Martial, Mané ayaa sidoo kale sheegay in wada hadalkii uu la yeeshay Van Gaal uusan si buuxda ugu qancin, maadaama uu xilligaas ahaa ciyaaryahan da’yar oo wali dhisaya sumcaddiisa, halka Manchester United ay lahayd ciyaartoy badan oo magac iyo khibrad leh.
Go’aankii uu Mané ku doortay Liverpool ayaa noqday mid si weyn u beddelay xirfaddiisa. Wuxuu si degdeg ah uga mid noqday xiddigaha muhiimka ah ee kooxda, isagoo qeyb ka noqday weerar si weyn loo xusuusto oo ay wada dhiseen Roberto Firmino iyo Mohamed Salah, Intii uu Liverpool joogay, Mané wuxuu kooxda kula guuleystay Premier League iyo Champions League, isagoo sidoo kale dhowr jeer loo magacaabay abaalmarinta Ballon d’Or.
Kadib sannado guulo badan ah oo uu Liverpool ku qaatay, Mané wuxuu u dhaqaaqay Bayern Munich, inkastoo waqtigiisa kooxda Jarmalka uusan noqon sidii la filayay. Markii dambe ayuu u wareegay Al-Nassr, halkaas oo uu haatan ka ciyaaro, Mané ayaa sidoo kale sanadkan ku jira liiska ciyaartoyda u sharaxan Ballon d’Or, waxaana uu ka mid yahay labada ciyaaryahan ee Afrikaanka ah ee liiska ku jira, iyadoo Achraf Hakimi uu yahay ciyaaryahanka kale.
Sidaas darteed, go’aankii Mané uu 2016-kii uga doorbiday Liverpool Manchester United ayaa noqday mid saameyn weyn ku yeeshay mustaqbalkiisa, maadaama uu Anfield kula qaaday koobab waaweyn isla markaana uu noqday mid ka mid ah weeraryahannadii ugu muhiimsanaa ee xilligii Klopp.
Be the first to comment