Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Liverpool Iyo Man City.

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa ku heshiiyay dhibcaha kulan ka dhacay Anfield kana tirsnaaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Mac Allister iyo Stones ayaa labada kooxood ka caawiyay in ay ka heshiiyaan dhibcaha kulanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.Kevin De Bruyne ayaa si toos ah ugu lug lahaa 13 gool 12 kulan oo uu u saftay Manchester City 2024 (laba gool, 11 caawin); Ciyaartoyga ugu badan ee Premier League ee tartamada oo dhan sanadkan.

2.Alexis Mac Allister ayaa dhaliyay sagaal ka mid ah 10-kii rigoore ee Premier League, oo ay ku jirto mid kasta oo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee isku xigta.

3.Kooxda dhalisa goolka 1-aad kulanka u dhexeeya Liverpool iyo Man City ayaa badisa halka Reds ka soo ceshatay 23 dhibcood marka gool looga hor maro.

4.19-ka darbo ee Liverpool ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee ay la timaado kulanto Man City premier Leaue tan iyo February 2013 (22).

5.12 ka mid ah darbooyinkaas ayaa yimid qeybtii labaad, taasoo ahayd tii ugu badneyd ee ay Man City wajahdo ka dib qeybtii nasashada kulan horyaalka ah tan iyo May 2021 (12 v Brighton).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga