Klopp: Waan U Qalanay In Aan Garaacno Man City

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Man City.

Liverpool ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay Man City kulan ka dhacay Anfield Kana tirsanaa premier League.

“10-Kii daqiiqo ee hore cajiib ayay ahayd, kaliya deg-deg ayaa nagu jiray, Man City-na si toos ah ayay u ciyaaraysay”.

“Qeybtii labaad waxay ahayd tii ugu fiicneyd ee aan la ciyaarnay Manchester City, xaqiiqdii”.

“Kubad ayay ku dhufteen birta laakiin waxay ahayd inaan dhalino labo ama seddex gool, waxan ciyaarnay ciyaar kubada cagta ah oo aan caadi aheyn”.

“Aniga ahaan, waxaan cadeynay maanta markii ugu horeysay 100% inaan dhab ahaan joogno meeshii ay ahayd in aan joogno waan u dagaalami doonaa, waana arki doonaa waxa aan heli karno”.

“Uma malaynayo in aan aragnay Man City oo u dhibaatoonaysa sida ay u dhibaatootay maanta”.

“Hooyada natiijooyinka oo dhan waa qaab ciyaareedka, qaab ciyaareedka fiicana waan in aan sii wadno”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga