Zlatan Ibrahimovic, Ronaldo Nazario iyo Gianluigi Buffon ayaa ka mid ah xiddigaha waa wayn ee kubbada cagta Yurub ee aan waligood gacanta ku dhigin koobka Champions Leaque-ga.
Laakiin sidoo kale waxa jira xiddigo si la yaab leh ugu guulaystay champions League iyaga oo aan wax door ah ka ciyaarin ku guulaysiga koobka.
warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo ku guulaystay tartanka inkasta oo ayna wax door ah ka ciyaarin ku guulaysiga koobka dhagaha weyn.
1.Cole Palmer:
Haatan waxa uu xiddig ka yahay chelsea, dhawr sano ka hor Palmer ayaan kulamada u ciyaari jirin kooxda Man City gaar ahaan sanadkii ay city ku guulaystay saddexleyda.
Xiddiga ka soo baxay Akademiyada Man City ayaa kaydka ka daawaday dhamaan kulamadii champions League ee ay kooxdu ciyaarto sanadkaas marka laga reebo kulan u badal ku soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay.
2.Aymeric Laporte:
Waxaa jiray waqti uu Laporte u ahaa daafaca muhiimka ah ee Pep Guardiola laakiin waxa uu kaydka galay xilli ciyaareedka 2022-23.
Daafaca ayaa ciyaaray kaliya hal kulan wareega bug baxa ee champions League sanadkaas waxana uu badal ku soo galay kulankii Bayern Munich.
3.Eden Hazard:
Xiddiga reer Belguim ayaa kaliya 8 daqiiqo ciyaaray kulan bug baxa ahaa sanadkaas isaga oo badal ku soo galay kulan ay Real 1/0 kaga badisay kooxda PSG.
4.Billy Gilmour:
Xiddigaha Marcos Alonso, Hakim Ziyech & Olivier Giroud ayaan xitaa kaydka ka soo muuqdan kulankii final-ka ee champions League laakiin dhamaantod waxa ay heleen bilada tartanka.
5.Joshua Zirkzee:
Xiddiga haatan u ciyaara Man United ayaa ka qayb aaa kooxdii Bayern Munich ee ku guulaystay saddexleyda laakiin wax daqiiqado ah ma ciyaarin maadama uu ka dambeeyay Robert Lewandowski.
6.Daniel Sturridge
7.Theo Hernandez
8.Ricardo Quaresma
Be the first to comment