Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo cusub.
Kooxaha qaarkood ayaa u dadaalaya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyo cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la dhamaystiri karo todobaadkan.
Matthijs de Ligt -> Man United:
Man United ayaa dhamaystiraysa saxiixa Matthijs de Ligt oo muddo lala xidhiidhinayay iyada oo daafaca 25 jirka ah qarka u saaran yahay in uu dhamaystiro heshiiskiisa.
Noussair Mazraoui -> Man United
Waa saaxiibka de Ligt waxana la filayaa in uu u raaco Old Trafford iyada oo xiddiga 26 jirka ah reer Morocco uu Ten Hag kula midoobi doono Old Trafford.
Aaron Wan-Bissaka -> West Ham
Imaatinka Mazraoui ayaa Man United u ogolaanaya in ay iska iibiso xiddiga Wan-Bissaka kaas oo haatan qarka u saaran West Ham.
Fabio Carvalho -> Brentford
Xiddiga 21 jirka ah ee Liverpool ayaa si toos ah uga tagaya Anfield kadib markii uu kaliya 2 sano ku qaatay Reds waxnaa uu ku biirayaa Brentford.
Conor Gallagher & Julian Alvarez -> Atletico Madrid:
Kooxaha ka ciyaarta horyaalka La Liga ayaa weerar ku qaaday kooxaha premier Legaue waxana ay kala wareegaysaa xiddiga Conor Gallagher & Julian Alvarez.
Be the first to comment