WARBIXIN: Sababaha Ugu Weyn Ee Liverpool Shaqada Uga Caydhisay Arne Slot.

Liverpool ayaa shaqada ka caydhisay Arne Slot wuxuuna noqday arrin dad badan ka yaabisay.

Ma ahayn sababtoo ah qof walba wuxuu u arkayay inuusan la taaban karin, balse waxay ahayd waqtiga go’aanka la qaatay.

Xilli ciyaareedka dhexdiisa marar badan waxay u muuqatay inuu shaqada waayi doono, laakiin kooxda ayaa la sii joogtay ilaa dhammaadka, ka hor inta aan ugu dambayn la ceyrin.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa sababaha keentay in ay Liverpool shaqada ka caydhiso Erne Slot.

1. Xilli ciyaareed aad u liita

Sababta ugu weyn waxay ahayd natiijooyinka xun.

Kadib markii uu horyaalka ku guuleystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, Liverpool waxay suuqa kala soo wareegtay ciyaartoy qiimahoodu gaarayay ku dhowaad nus bilyan euro. Laakiin inkastoo maalgashigaas weyn, kooxda:

  • Waxa laga badiyay 20 kulan.
  • Waxa ay 25 dhibcood ka dambaysay kooxda ku guulaystay ee Arsenal..
  • Ma aysan gaarin xitaa semi-finalka tartan kasta.

2. Maamul xumo ciyaartoyda

Slot waxaa lagu eedeeyay inuu si xun ula dhaqmay qaar ka mid ah ciyaartoyda.

Tusaale ahaan, wuxuu si dadban u eedeeyay Jeremie Frimpong kadib guuldarradii Crystal Palace, isagoo sheegay in goolkii laga dhaliyay uu ka dhashay ciyaaryahan weerar badan sameeyay. Arrintan ayaa loo arkay inuu ciyaaryahankiisa si cad u canaantay warbaahinta dhexdeeda.

3. Khilaafkii Mohamed Salah

Waxaa sidoo kale jiray khilaaf weyn oo dhex maray Slot iyo Mohamed Salah.

waxa jira taageerayaal badan oo aaminsan in Slot uu si xun u maareeyay xaaladda Salah, taasoo ugu dambayn keentay inuu ciyaaryahanku kooxda ka tago. Waxaa la sheegay in haddii khilaafkaasi dhici waayi lahaa, Salah uu weli ahaan lahaa ciyaaryahan Liverpool ah.

4. Khilaafkii Richard Hughes

Slot waxay sidoo kale isku dheceen agaasimaha ciyaaraha Liverpool, Richard Hughes.

Khilaafku wuxuu ku saabsanaa da’yarka Rio Ngumoha. Slot ma aaminsanayn inuu diyaar u yahay kooxda koowaad, halka Hughes uu doonayay in fursad la siiyo. Tani waxay dhaawacday xiriirka labada nin.

5. Andoni Iraola oo diyaar ahaa

Richard Hughes wuxuu hore uga soo shaqeeyay Bournemouth, halkaas oo uu si dhow ula soo shaqeeyay Andoni Iraola.

Wuxuu aaminsanaa in Iraola yahay tababaraha ku habboon mashruuca Liverpool. Markii Iraola diyaar noqday oo kooxo kale ay danaynayeen, Hughes wuxuu arkay fursad uu ku keeno Anfield.

6. Xiriir la’aanta taageerayaasha

Slot waligiis ma samaysan xiriirka qotada dheer ee taageerayaasha Liverpool uu lahaa Jürgen Klopp.

Markii kooxda guuleysanaysay arrintan lama dareemin, laakiin markii guuldarrooyinku bateen taageerayaashu waxay bilaabeen inay si cad u dareemaan kala fogaanshahaas.

7. Qaabka ciyaarta oo aan Liverpool u ekaan

warbixintu waxay sheegaysaa in qaab ciyaareedka Slot uu ahaa mid taxaddar badan oo aan lahayn weerarkii xoogga badnaa ee Liverpool lagu yaqaanay xilligii Klopp.

Salah ayaa xitaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Liverpool dib ugu noqoto kubbaddii weerarka badnayd ee hore loogu yaqaanay. Taasi waxay ahayd aqoonsiga Liverpool sida uu sheegay.

8. Anfield oo lumiyay cabsi gelintii

Xilligii Klopp, Anfield wuxuu ahaa garoon ay kooxuhu ka cabsan jireen.

Laakiin warbixintu waxay sheegaysaa in xilligii Slot uu garoonku lumiyay sumcaddaas, isla markaana kooxaha martida ahi aysan uga cabsan sidii hore.

9. Bixitaanka halyeeyada kooxda

Labadii sano ee Slot joogay Liverpool waxaa ka tagay ciyaartoy waaweyn oo ay ka mid yihiin:

  • Mohamed Salah
  • Andy Robertson
  • Trent Alexander-Arnold
  • Ibrahima Konaté
  • Luis Díaz

Taageerayaal badan ayaa aaminsanaa in qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydan ay sii joogi lahaayeen haddii Klopp weli tababare ahaan lahaa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga