WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Xaqiijiyay In Ay Ku Dhawaadeen Ku Biirista Man United.

Xiddigo badan ayaa lala xiriirinayay Manchester United sannadihii la soo dhaafay, laakiin qaar ayaa iska diiday in ay ku biiraan kooxda.

Man United ayaa ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn taariikhda kubada cagta waxana lala xidhiidhinayay xiddigo badan.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo xaqiijiyay in ay ogolaadeen in ay ku biiraan United ka hor inta ayna ku fashilmin heshiiska.

Robert Lewandowski:

Xiddiga reer Poland ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu ku biiro kooxda Man United wakhtigii uu joogay Dortmund.

“Waxaan rabay inaan ku biiro Manchester United, haa! Waxaan xusuustaa wadahadalkii aan la yeeshay madaxweynaha Dortmund. Wuxuu ii sheegay inay ii baahan yihiin. In aysan iga iibin Manchester United sababtoo ah aad ayaan muhiim ugu ahaa iyaga mana ahayn waqtigii saxda ahaa.”

Toni Kroos:

Kroos ayaa sanadkii 2014 ogolaaday in uu ku biiro United markii uu wadahadalo la yeeshay David Moyes ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid.

“Sannadkii 2014, ka hor inta aanan u saxiixin Real Madrid, waxaan horay ula heshiiyay Manchester United”.

“Laakiin Man United ayaa shaqada ka caydhisay David Moyes waxana aan go’aansaday in aanan u dhaqaaqin United”.

Cesc Fabregas

Xagaagii ka hor sheekada Kroos, Moyes oo ku cusbaa Man nited ayaa doonayay in uu Fabergas ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya.

Moyes ayaa xitaa wadahadalo la yeeshay Fabregas si uu ugu dhaqaaqo Old Trafford laakiin heshiisa ayaa bur-buray.

Jean-Clair Todibo:

Dhacdo aad u dhow, United ayaa dooneysay inay xoojiso difaaceeda xagaagii 2024 waxayna u aqoonsatay daafaca Nice Todibo in uu yahay xiddiga ay doonayaan.

Xiddiga ayaa diyaar u ahaa in uu ku biiro United laakiin waxa heshiiska hor istaagay xeer maadama Nice iyo United uu wada leeyahay milkiilaha Sir Jim Ratcliffe.

Ivan Perisic:

Xiddiga reer Croatia ayaa xiiso ka helay kooxda Man United xagaagii 2017 markaas oo uu Jose Mourinho doonayay in uu ku xoojiyo kooxda.

United ayaa muddo dheer baacsanaysay Perisic laakiin United ayaa diiday in ay bixiso lacagtii ay Inter doonaysay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga