WARBIXIN: 3 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Man United Iyo Liverpool Kulanka FA Cup-ka.

Manchester United ayaa rajeyneysa inay is muujiso marka ay Old Trafford kula ciyaarto kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Liverpool koobka FA Cup.

Labada kooxood ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ku kulmay bishii December, markaasoo Red Devils ay awood u yeelatay inay caddeyso qof walba inuu qaldan yahay oo ay barbaro 0-0 ah ku wada galeen garoonka Anfield – taasoo horumar weyn ka ah guuldarradii 7-0 ee ka soo gaartay horaantii 2023.

United ayaa bar-baro la gashay kulankii ugu dambeeyay laakiin Reds ayaa dib u heshay xiddigo muhiim ah sida Mohamed Salah.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha lagu kala badin karo kulanka:

Rasmus Hojlund vs Virgil van Dijk:

Xiddiga 21 jirka ah ee Hojlund ayaa ku soo laabanaya kooxdiisa waxana uu ka hor iman doonaa daafaca ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Hojlund ayaa shabaqa soo taabtay 11 jeer ilaa haatan United xilli ciyaareedkan. Dhaqdhaqaaqiisa ayaa dhibaato ku noqda daafacyada.

Van Dijk ayaa dhankiisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu u baahnaan doonaa in uu joojiyo xiddiga weerarka uga ciyaara United.

Raphael Varane vs Mohamed Salah:

Raphael Varane ayaa ahaa daafacii ugu fiicnaa Man United kulankii ay Red Devils bar-baraha la gashay Liverpool bishii December. Waxa uu muujiyay in uu wali awood u leeyahay in uu joojiyo weeraryahanada.

Xaaladdan oo kale, khatarta ayaa ka iman karta Mohamed Salah kaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday 10 daqiiqo gudohood kulankii Europa League.

Marcus Rashford vs Joe Gomez:

Rashford ayaa gool dhaliyay kulankii Manchester Derby waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii todobaadkii hore ee Everton.

Dhanka kale Joe Gomez ayaa wacdaro ka dhigaya Liverpool isaga oo laf dhabar u ah kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga