Muxuu Xavi Ka Yidhi La Ciyaarista PSG Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa qirtay in uu kulanka PSG ku adag yahay kadib isku aadkii wareega 8 dhamaadka.

Barcelona ayaa la ciyaari donta PSG kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka champions League.

“Kulan aad u adag, waa mid ka mid ah kooxihii ugu adkaa ee aan ku aadi lahayn, wan ogahay Luis Enrique iyo shaqaalihiisa iyo sida ay u shaqeeyaan, waxa aan leeyahay kalsooni iyo rajo, waxa aan wajahaynaa mid ka mid ah kooxaha ugu adag, laakiin kulanka lugta 2-aad garoonkeena ayaan ku ciyaaraynaa waa wakhtigii la riyoo lahaa”ayuu Xavi yidhi.

“Waxa laga yabaa in aan PSG siin lahaa magaca kooxda ugu cad-cad, marka laga yimaado taariikhda sababta oo ah anaga ayaa ka koobab badan champions League laakiin dhamaan waxa ka sareeya dhinaca dhaqaalaha iyo lacagta ay suuqa galiyeen”.

“Waxa ay dareemayaan in ay Barcelona haysato xiddigo da’yar ah oo tayo leh laakiin aan khibrad lahayn, laga yaabe in ay saxan yihiin laakiin waan arki doonaa”.

“Waxa laga yaabaa in aan koox da’yar ah nahay laakiin rajo ayaan leenahay iyo waliba in aan si fiican u ciyaarno labada kulan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga