WARBIXIN: 10 Xiddig Oo Aan Waligood Guuldaro La Kulmin Premier League Marka Ay Gool Dhaliyaan.

Premier League hadii ay tahay hada ama wakhti hore, waxa jira xiddigo ka nasiib badan xiddigaha kale gaar ahaan marka ay gool dhaliyaan.

Waxa jira xiddigo badan oo aan waligood guuldaro la kulmin markasta oo ay gool u dhaliyaan kooxdooda horyaalka premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo aan waligood guuldaro la kulmin marka ay gool dhaliyaan premier League.

1.Gabriel Jesus

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa u kala ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Man City walina wax guuldaro ah lama kulmin marka uu gool u dhaliyo kooxdiisa.

Xiddiga ayaa ciyaaray 73 kulan oo horyaalka ah oo uu gool dhaliyay waxana uu dhaliyay 60 gool isaga oo badiyay 55 kulan halka uu bar-baro galay 5 kale.

2.James Milner:

Khabiirka premier League ayaa ciyaarya 55 kulan oo premier League ah oo uu dhaliyay 54 kulan waxana uu badiyay 43 kulan halka uu bar-baro galay 11 kale.

3.Darius Vassell:

Haddii aad u malaysay in Haaland uu liiskan ugu sarreyn doono ciyaartoydii hore ee Manchester City, aad ayaad u khaldanayd.

Seddexda ciyaaryahan ee ugu sareysa ayaa dhamaantood soo xirtay buluuga cirka, iyadoo Darius Vassell uu fadhiyay kaalinta seddexaad isagoo dhaliyay 52 gool 46 kulan oo kala duwan oo Premier League ah.

Vassell ayaa dhaliyay 52 gool isaga oo dhaliyay 46 kulan sidaas darteed waxa uu badiyay 36 kulan halka uu 10 kale bar-baro galay.

4.Diogo Jota

Jota ayaa mar walba nasiib u ahaa Wolves iyo Liverpool tan ilaa markii uu premier League yimid isaga oo dhaliyay 56 gool 45 kulan oo uu ciyaaray isla markaas badiyay 38 kulan 7 kalena bar-baro galay.

5.Erling Haaland:

Xiddiga si deg-deg ah u koraya Liiskan ayaa ah Haland isaga oo dhaliyay 55 gool 34 kulan oo uu ciyaaray waxana uu badiyay 29 kulan halka uu bar-baro galay 5 kale.

6.Salomon Kalou:

Goolasha Premier Legaue: 36

Kulamada uu dhaliyay: 32

Rikoodhka guuldaro la’aanta: 29 guul, 3 bar-baro.

7.Gabriel Martinelli:

Goolasha Premier Legaue: 31

Kulamada uu dhaliyay: 28

Rikoodhka guuldaro la’aanta: 24 guul, 4 bar-baro.

8.Oyvind Leonhardsen

Goolasha Premier Legaue: 30

Kulamada uu dhaliyay: 28

Rikoodhka guuldaro la’aanta: 21 guul, 7 bar-baro.

9.Pedro:

Goolasha Premier Legaue: 29

Kulamada uu dhaliyay: 27

Rikoodhka guuldaro la’aanta: 26 guul, 1 bar-baro.

10.Antonio Valencia:

Goolasha Premier Legaue: 23

Kulamada uu dhaliyay: 22

Rikoodhka guuldaro la’aanta: 22 guul, 1 bar-baro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga