Tuchel Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United

Thomas Tuchel ayaa ku adkeysanaya inuu 100% ka go’an yahay Bayern Munich ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka iyadoo la hadal hayo inuu doonayo inuu ku laabto Premier League.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay horaantii isbuucan in tababarihii hore ee Chelsea uu is casili doono xagaaga ka dib natiijooyin xun oo isdaba joog ah.

Waxaa la magacaabay 12 bilood ka hor ka dib markii si lama filaan ah shaqada looga ceyriyay Julian Nagelsmann, Tuchel wuxuu ku bilowday dhiirigelin xirfadiisa Bayern laakiin natiijooyinku way sii xumaanayeen bilihii la soo dhaafay.

Rajada Bayern ee difaacashada horyaalka Bundesliga ayaa sii xumaanaysa iyaga oo haatan 11 dhibcood ka dambeeya kooxda Bayer Leverkusen ee hogaaminaysa horyaalka.

Bayern ayaa durba la fahamsan yahay inay la xiriirtay Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso iyada oo doonaysa in ay ku badasho Tuchel.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu Tuchel doonayo in uu ku laabto Premier League si uu u hogaamiyo kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee Tuchel ayaa ka hadlay wararkaas isaga oo sheegay in uu wali diirada saarayo Bayern Munich.

“Ma jiraan wax igu dhici doona ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka,” ayuu yiri ka hor kulanka isbuucaan ee RB Leipzig.

“Wax saameyn ah kuma yeelan doono hadda waxa igu dhaca xagaaga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga