WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka Oo La Soo Saaray.

Tobanka ciyaartoy ee ugu fiican Premier League ilaa haatan xilli ciyaareekan ayaa la magacaabay.

Horyaalka xiisaha badan ee Premier League ayaa gabagabo ku dhow iyadoo saddex kooxood ay ku tartamayaan in loogu magacdaro horyaalnimada 2023/24.

Arsenal ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa farqiga goolasha Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta kadib bar-barihii ay la galeen Man City kulan ka dhacay Anfield.

City ayaa 1 dhibcood ka danbeysa kooxda ay xifaaltamaan iyada oo toban kulan u hadhsan tahay waxayna Arsenal ku soo dhawaynaysaa Etihad Stadium ka dib fasaxa caalamiga ah ee March 31.

Liverpool ayaa sidoo kale haysata kulamo adag oo ay Old Trafford u safri doonto 7da April.

Rodri ayaa ku jira kaalinta 1-aad isaga oo celcelis ahaan qiimaynta 8.0 ku jira sida uu qabo FootballCritic, isaga oo u ciyaaray 25 ka mid ah 28 kulan kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa loo arkaa inuu yahay daafaca khadka dhexe ee ugu fiican adduunka, waxaana muhiimada uu u leeyahay kooxda City.

Sagaal ciyaaryahan ayaa isku qiimayn noqday dhinaca qiimaynta iyaga oo helay celcelis qiimeyn ah 7.4.

Liverpool ayaa tobanka ciyaaryahan ee ugu sareysa ku matalaya labada ciyaaryahan ee Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah.

Van Dijk ayaa ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa xilli ciyaareedkan halka Salah uu dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp.

Da’yarka Conor Bradley ayaa sidoo kale ku soo baxay liiska 10-ka xiddig ee ugu fiican premier League.

Saxiixa xagaaga ee Mikel Arteta ee Declan Rice ayaa cadeeyay inuu yahay xirfadle sare, isagoo ku daray firfircooni cusub khadka dhexe ee Gunners. Bukayo Saka ayaa ku biiray saaxiibkiis 10-ka sare.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu fiican ee premier League:

  1. Rodri (8.0)
  2. Kevin de Bruyne (7.4)
  3. Mohamed Salah (7.4)
  4. Virgil van Dijk (7.4)
  5. Pascal Gross (7.4)
  6. Declan Rice (7.4)
  7. Cristian Romero (7.4)
  8. Bukayo Saka (7.4)
  9. Michael Olise (7.4)
  10. Conor Bradley (7.4)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga