La Ogaaday: Kooxda Ay Xiddigaha Barcelona Doonayaan In Ay Ku Aadan Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo La Ogaaday.

Inta badan ciyaartoyda Barcelona iyo macalimiinta ayaa doonaya inay wajahaan Borussia Dortmund wareega 8da Champions League, sida uu qabo saxafiga Diario AS Javier Miguel.

Waxay aaminsan yihiin in kooxda Bundesliga ka dhisan ay tahay doorashada ugu fiican Blaugrana, inkastoo ay ogolaadeen in BVB ay weli dhibaato noqon karto.

Barca ma rabto inay la ciyaarto Real Madrid ama Manchester City wareega 8da ama semi-finalka. Waxay doorbidayaan inay la ciyaaraan mid ka mid ah labadan kooxood finalka.

Kooxaha kale ee ay Blaugrana wajihi karto waa Arsenal, Atletico Madrid, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.

Isku aadka 8 dhamaadka dhamaadka Champions League waxa uu dhici doonaa Jimcaha 15 bisha March oo ku beegan maanta

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga