War Fiican: Arsenal Oo Go’aamisay Wakhtiga Ay Soo Laabanayaan Saka Iyo Martinelli.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qalinka ku duugtay taariikhda suurtagalka ah ee soo laabashada Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli.

Arsenal ayaa aragtay in weerarkeeda lagu tijaabiyay dhaawacyo iyada oo xiddigaha Saka, Martinelli, Kai Havertz iyo Gabriel Jesus dhaawacyo Soo gaadheen.

Nasiib darro Arsenal ayaa waayi doonta Xiddigaha Havertz iyo Jesus inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawacyo muruqa iyo jilibka ah.

Dhanka kale, Arteta wuxuu hadda la shaqeynayaa Leandro Trossard, Raheem Sterling iyo Ethan Nwaneri oo ah Weetaryahanada kaliya ee taamka ah.

Saka ayaa maqnaan tan ilaa markii uu qaliin muruqa ah maray bishii December inkasta oo tababarka lagu arkay markii ay kooxdu aaday Dubai oo ay tababar ku qaadanayeen.

Dhanka kale, Martinelli ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee ay 2-0 kaga badiyeen Leicester City ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray lugtii labaad ee semi-finalka EFL Cup ee Newcastle United.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Arsenal ayaa rajo ka qabta in Saka iyo Martinelli ay ku soo laaban karaan garoomada ka dib fasax caalamiga ah taas oo war fiican u ah Kooxda iyo tartanka ay ugu jirto premier league.

Natiijo ahaan, labada weeraryahan ayaa laga yaabaa inay diyaar u noqdaan kulanka ugu horreeya ee Arsenal ka dib fasaxa caalamiga ah kulanka Fulham.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga