WAR CULUS :- Lamine Yamal oo kahadlay fashilka heshiiskii Julian Alvarez iyo Barcelona, fariinna ka diray

Xiddiga Barcelona Lamine Yamal ayaa ka hadlay suurtagalnimadii uu Julian Alvarez ugu biiri lahaa Barcelona, kaddib markii kooxda reer Catalonia ay ku guuldarreysatay inay weeraryahanka Argentine-ka ka soo saarto Atlético Madrid.

Yamal oo ka hadlayay xafladda abaalmarinnada AFE, halkaas oo loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican La Liga xilli ciyaareedkii hore, ayaa sheegay inuu si weyn u qadariyo tayada Alvarez, balse uusan u arkin in Barcelona ay hadda weeraryahan kale u baahan tahay:- “Dabcan, waa ciyaaryahan weyn, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay shaxda aan hadda haysanno.”

Yamal wuxuu intaas ku daray in Barcelona ay hadda si wanaagsan u ciyaareyso, isla markaana “aysan naga dhiman goolal.”

Inkasta oo Atlético Madrid ay si adag u diiday iibinta Alvarez xagaagan, warbixinno cusub ayaa sheegaya in Barcelona ay weli doonayso weeraryahanka oo ay isku dayi karto inay mar kale u dhaqaaqdo suuqa kala iibsiga mustaqbalka.

Atlético ayaa horey u caddeysay in Alvarez uusan iib ahayn, iyadoo sidoo kale diiday wadahadal kasta oo Barcelona la xiriira markii la weydiiyay tartanka weerarka Barcelona iyo Real Madrid, Yamal kama uusan qayb qaadan isbarbardhigga labada kooxood, Wuxuu si kooban u sheegay hadafka Barcelona-:-  “Waxaan rabnaa inaan wax walba ku guuleysanno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga