Maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga ayaa si weyn u kululaanaysa, iyadoo kooxaha waaweyn ee Premier League ay ku jiraan tartan ay ku doonayaan inay xoojiyaan kooxahooda ka hor inta uusan suuqu xirmin.
Arsenal oo wali doonaysa julian alvarez
Arsenal ayaa wali ku dadaalaysa saxiixa weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez, kaas oo ah bartilmaameedka koowaad ee kooxda intii lagu jiray suuqa xagaagan.
Si kastaba, Alvarez ayaa la sheegay inuu doorbidayo Barcelona, halka Atletico Madrid-na aysan doonayn inay si fudud u iibiso ciyaaryahankeeda. Arsenal ayaa diyaar u ah heshiis qiimo sare leh, balse go’aanka Alvarez ayaa noqon kara midka ugu muhiimsan.
Manchester city oo weerar ku qaaday enzo fernandez
Manchester City ayaa wadahadallo la furtay Chelsea si ay u hesho khadka dhexe ee Enzo Fernandez, heshiiskan haddii uu dhaco wuxuu noqon karaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu qaalisanaa taariikhda suuqa Ingiriiska, Chelsea ayaa la filayaa inay si adag uga hortagto bixitaanka xiddigeeda, taasoo ka dhigi karta saacadaha ugu dambeeya kuwo aad u xiiso badan.
City oo sidoo kale qaadatay iliman ndiaye
Manchester City ayaa si lama filaan ah ugu soo biirtay tartanka saxiixa Iliman Ndiaye oo Everton ka tirsan kala heshiisay kooxdaasi, Tottenham ayaa horey ugu dhoweyd inay hesho ciyaaryahanka, iyadoo heshiis mabda’ ah oo ku kacaya qiyaastii £60 milyan lala xiriiriyay Everton, Laakiin City ayaa hadda qaadatay heshiiska.
Liverpool oo raadinaysa beddelka cody gakpo
Liverpool ayaa wajahaysa xaalad muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka Cody Gakpo, iyadoo Manchester City iyo Tottenham ay doonayaan ciyaaryahanka, Liverpool ayaa dalbanaysa qiyaastii £85 milyan, laakiin Reds ma doonayso inay iibiso Gakpo ilaa ay marka hore hesho ciyaaryahan ay ku beddesho.
Ismaila Sarr oo Crystal Palace ah ayaa ka mid ah bartilmaameedyada Liverpool. Reds ayaa lagu soo waramayaa inay dalab ku dhow £50 milyan ka gudbisay, laakiin Palace waxay doonaysaa £75 milyan, Liverpool sidoo kale waxay isku dayday Yankuba Minteh oo Brighton ah, balse dalabyadii kooxda ayaa la diiday.
Manchester united oo wali doonaysa lewis hall
Manchester United ayaa muddo dheer xiisaynaysay daafaca bidix ee Newcastle, Lewis Hall, Newcastle ayaa ku adkaysanaysa in ciyaaryahanka uusan iib ahayn, xitaa haddii United ay soo gudbiso dalab aad u weyn, United ayaa u baahan xoojin booska daafaca bidix, gaar ahaan iyadoo Luke Shaw uu hadda gaaray da’da 31 sano.
Everton oo u jeesatay folarin balogun
Everton ayaa beddel u raadinaysa Richarlison kadib markii heshiiskii ay kula doonaysay weeraryahanka reer Brazil uu u muuqday inuu burburay, kooxda Everton ayaa sidaas darteed dalab dhan £40 milyan u dirtay Monaco si ay u hesho Folarin Balogun, weeraryahankii hore ee Arsenal.
Jack grealish oo ku sii jeeda everton
Jack Grealish ayaa isna u muuqda inuu ka tagayo Manchester City, isagoo ku sii jeeda Everton, warbixintu waxay sheegaysaa in Grealish uu mari doono baaritaanka caafimaadka kadib markii Everton ay buuxisay shuruudihii City, Sunderland ayaa sidoo kale xiisaynaysay ciyaaryahanka, laakiin Everton ayaa hadda u muuqata kooxda ugu dhow inay hesho.
Saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo aad u mashquul badan, Arsenal waxay wali dagaal ugu jirtaa Julian Alvarez, Manchester City waxay raadineysaa Enzo Fernandez iyo Iliman Ndiaye, Liverpool-na waxay u baahan tahay inay xal u hesho xaaladda Cody Gakpo iyo beddelkiisa.
Manchester United dhankeeda waxay isku dayaysaa inay hesho Lewis Hall, halka Everton ay ku dhowaanayso Folarin Balogun iyo Jack Grealish, sidaas darteed, maalinta ugu dambeysa suuqa ayaa weli laga filan karaa heshiisyo waaweyn iyo isbeddello lama filaan ah.
Be the first to comment