Jamie Carragher ayaa saadaashiisa Premier League beddelay, isagoo Manchester City u magacaabay kooxda keliya ee awoodda u leh inay Arsenal ka hor istaagto hanashada horyaalka, Aragtidan cusub ayaa timid kaddib markii City ay maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga la soo wareegtay xiddiga reer Argentina ee Enzo Fernández, kaasoo Chelsea uga yimid heshiis rikoor ah.
Carragher ayaa aaminsan in saxiixa Fernández uu Manchester City si weyn u xoojiyay, isla markaana uu kooxda ka dhigay mid ka sarreysa Chelsea marka laga hadlayo kooxaha Arsenal ugu weyn ee la tartami kara xilli ciyaareedkan, Kahor inta uusan heshiiskan dhicin Carragher iyo khubaro kale waxay filayeen in Chelsea ay yeelan karto xilli ciyaareed wanaagsan, gaar ahaan maadaama aysan ka qeyb qaadanayn tartamada Yurub isla markaana ay haysato tababare cusub.
Si kastaba, bixitaanka Fernández ayaa beddelay sawirkaas. Carragher wuxuu sheegay in Fernández uu Chelsea ka mid ahaa ciyaartoydeeda ugu muhiimsan, sidaas darteedna ay City haysato fursad ay si weyn ugu tartanto horyaalka, Manchester City ayaa xagaagan si weyn u qaabeynaysay khadkeeda dhexe, Kooxdu waxay lumisay Rodri oo tan iyo 2019 ahaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda, Xiddiga reer Spain wuxuu qayb weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee City, waxaana intii uu kooxda joogay uu ku guuleystay Ballon d’Or.
City ayaa sidoo kale suuqa ka sameysay saxiixyo kale oo ay ku xoojinayso mustaqbalka kooxda, Elliot Anderson ayaa yimid Manchester halka da’yarka Ayyoub Bouaddi uu sidoo kale ku biiray kooxda isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu qaalisan taariikhda Premier League.
Hadda imaatinka Fernández ayaa Carragher u muuqda inuu yahay tallaabadii ugu dambeysay ee City u baahaneyd si ay dib ugu noqoto tartanka ugu sarreeya, Fernández oo ah xiddig khadka dhexe ah isla markaana leh waayo-aragnimo heer caalami ah, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato qorshaha cusub ee Manchester City.
Carragher wuxuu si cad u sheegay in City ay hadda “tahay kooxda keliya ee horyaalka Arsenal kala wareegi karta” Wuxuu intaas ku daray in inkastoo Chelsea uu hore ugu arkayay koox awood u leh inay si fiican u tartanto, haddana luminta Fernández ay wax weyn ka beddeshay qiimeyntiisa.
Arsenal ayaa sidaas darteed wajahaysa tartan cusub, Gunners ayaa loo arkaa kooxda ugu cad-cad ee horyaalka, balse Manchester City oo dib u dhis xooggan ku sameysay khadkeeda dhexe ayaa hadda loo arkaa kooxda ugu weyn ee cadaadis saari karta.
Carragher saadaashiisa ayaa sidoo kale xoojinaysa muhiimadda heshiiska Enzo Fernández, maadaama hal saxiix uu beddelay qiimeyntii uu khabiirku ka qabay tartanka horyaalka, haddii Fernández uu si wanaagsan ula qabsado nidaamka City, kooxda ayaa rajeynaysa inay dib ugu soo laabato dagaalka Premier League, xilli ay dooneyso inay markii ugu horreysay muddo saddex sano ah dib u hanato horyaalka.
Be the first to comment