Jamie Carragher ayaa si adag u dhaliilay tababare Andoni Iraola kadib markii Liverpool ay 2-2 barbaro ah la gashay Newcastle United kulankii ka dhacay St James’ Park.
Liverpool ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, balse Newcastle ayaa shan daqiiqo gudahood heshay goolka koowaad, iyadoo Anthony Elanga uu ka faa’iidaystay booska ka dambeeya difaaca Liverpool, ka hor inta uusan si deggan kubadda uga dhalin Alisson Becker.
Cody Gakpo ayaa Liverpool u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 55-aad, laakiin Newcastle ayaa mar kale hoggaanka qabatay kadib weerar degdeg ah oo Joe Willock uu ku dhammeystiray gool, markii ciyaartu ku dhoweyd inay dhammaato, Dominik Szoboszlai ayaa Liverpool badbaadiyay, isagoo daqiiqadihii ugu dambeeyay rigoore si awood leh u dhaliyay, taasoo Reds siisay hal dhibic.
Si kastaba, waxa Carragher aad uga carooday ayaa ahaa qaabka Liverpool u ciyaartay khadka dhexe, Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa labaduba marar badan hore ugu dhaqaaqayay weerarka, taasoo ka tagaysay meel bannaan marka Newcastle ay kubadda soo ceshato.
Carragher ayaa baraha bulshada ku qoray in khadka dhexe ee Liverpool uu ahaa mid “waalli ah”, isagoo sheegay in isla dhibaatadan uu arkayay xitaa kulamadii diyaar-garowga xilli-ciyaareedka, wuxuu si gaar ah u tilmaamay in haddii Gravenberch iyo Szoboszlai ay labaduba weerarka u wada baxaan, Liverpool ay si weyn ugu nuglaanayso weerarrada degdegga ah ee kooxaha ka soo horjeeda.
Dhibaatadu waxay sii xoogeysanaysaa maadaama Liverpool aysan hadda haysan khad dhexe oo si dabiici ah u difaaca sida Tyler Adams iyo Alex Scott oo Iraola uu Bournemouth ku haystay.
Iraola ayaa isaguna isku dayay inuu difaaco Gravenberch, isagoo sheegay in dhibaatadu aysan ku koobnayn hal ciyaaryahan Tababaraha ayaa qirtay in kooxda oo dhan ay u baahan tahay inay si wanaagsan uga falceliso marka ay kubaddu lumayso, gaar ahaan marka kooxda ka soo horjeedda ay bilaabayso weerar rogaal-celis ah.
Goolka labaad ee Newcastle ayaa arrintan tusaale fiican u noqday. Yoane Wissa ayaa kubadda ku qaaday masaafo dheer iyadoo ciyaartoyda Liverpool ay ku guuldarreysteen inay si degdeg ah u joojiyaan, taasoo ugu dambeyn keentay goolka Willock.
Liverpool waxay hadda wajahaysaa dhibaato dhanka khadka dhexe ah. Alexis Mac Allister, Gravenberch, Szoboszlai, Trey Nyoni iyo Wataru Endo ayaa ka mid ah xulashooyinka kooxda, laakiin ma muuqato ciyaaryahan si joogto ah u qaban kara doorka khadka dhexe ee difaaca.
Szoboszlai, gaar ahaan, wuxuu si dabiici ah ugu fiican yahay meel ka sarreysa khadka dhexe. Hase yeeshee, maadaama Florian Wirtz uu hayo booska No.10, Szoboszlai ayaa loo riixayaa meel hoose.
Taasi waxay abuurtay su’aal weyn oo ku saabsan sida Iraola u dheelli-tiri doono weerarka iyo difaaca.
Carragher wuxuu aaminsan yahay in Liverpool ay khatar weyn isku gelinayso haddii khadkeeda dhexe uu mar kasta si wadajir ah ugu hormaro weerarka, Iraola ayaa hadda haysta shaqo adag oo ah inuu kooxda ka dhigo mid weerar badan, balse aan si fudud ugu jabin weerarrada rogaal-celiska ah.
Be the first to comment