Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ka hadlay dhaawaca Javi kadib guushii weynayd ee Barcelona ay 5–0 kaga adkaatay Elche, isagoo sheegay in dhaawacu ku yaallo jilibka, balse xaaladda ciyaaryahanka ay hadda ka wanaagsan tahay sidii markii hore laga cabsi qabay.
Flick ayaa sheegay in Javi uu dhaawacmay intii ay ciyaartu socotay, waxaana kooxda u baahan tahay inay sugto baaritaanka MRI-ga si loo ogaado dhab ahaan inta uu dhaawacu le’eg yahay, tababaraha ayaa yiri xaaladda Gavi wax yar ayay ka wanaagsan tahay wixii laga filayay xilliga dhaawacu dhacay, maadaama ciyaaryahanku uu ciyaarta kadib si fiican u dareemay.
Dhinaca kale, Flick ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Alejandro Balde, isagoo beeniyay inuu isagu ka dalbaday ciyaaryahanka inuu kooxda ka tago , wuxuu sheegay in subaxdii uu dareemay in Balde ay jiraan arrimo maskaxdiisa ku badan, sidaas darteed uu kula taliyay inuu waqti qaato, maskaxdiisana dejiyo oo uu fikirradiisa habeeyo, Flick wuxuu sheegay in labadoodu mar kale wada hadli doonaan maalinta xigta.
Flick ayaa sidoo kale ku farxay qaab ciyaareedka kooxdiisa, gaar ahaan sida ay u ilaalisay shabaqeeda isla markaana u dhalisay shan gool. Wuxuu sheegay inuu doonayo in ciyaartoydu ay maalin kasta tababarka ku muujiyaan heerkan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Barcelona ay u ciyaarto hal koox oo isku dhafan, gaar ahaan marka la joogo weerarka iyo difaaca.
Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada in Barcelona ay la soo saxiixato weeraryahan lambarka 9-aad, Flick wuxuu sheegay in arrintaas ay kala hadli doonaan Deco, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan waxa dhaca inta lagu jiro toddobaadkan.
Ugu dambeyn, Flick wuxuu amaanay ciyaartoyda kasoo baxay La Masia, isagoo si gaar ah u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay heerka ay gaareen ciyaartoyda da’da yar ee fursadda helaya.
Be the first to comment