The Athletic ayaa soo bandhigtay xog cusub oo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka Julián Álvarez ee Atlético Madrid.
Il wareed ku dhow maamulka Atlético Madrid ayaa sheegay in kooxda ay diyaar u tahay inay iibiso xiddiga reer Argentina, balse ay doonayso €150 milyan, iyadoo Arsenal loo arko kooxda kaliya ee ay diyaar u yihiin inay heshiis kala galaan, laakiin caqabadda ugu weyn ayaa ah Julián Álvarez laftiisa.
Ciyaaryahanku weli ma doonayo Arsenal, waxaana la sheegay in rabitaankiisu yahay Barcelona oo keliya. Sidaas darteed, xitaa haddii Arsenal awood u leedahay inay bixiso €150 milyan, heshiisku ma fududa ilaa Álvarez uu beddelo go’aankiisa, dhanka kale, gudaha Atlético Madrid waxaa si weyn looga xumaaday wixii dhacay kulankii Villarreal, halkaas oo taageerayaashu ay ku oorinayeen kuna dhaleeceynayeen Álvarez. Xaaladda ayaa noqotay mid aad u kacsan, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhow kooxda ay dhacdadii ku tilmaameen “musiibo” ama xaalad aan la aqbali karin.
Atlético waxay hadda u muuqataa inay rabto in suuqa kala iibsigu sida ugu dhakhsaha badan u xirmo, si xaaladda Álvarez loo soo afjaro, dhanka Barcelona, wararku waxay sheegayaan in kooxda Catalan-ka ahi wali si dhow ula socoto xaaladda. Barça waxay diyaar u tahay inay sugto ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga, iyadoo rajaynaysa in xaaladda Atlético iyo Álvarez ay isbeddesho.
Sidaas darteed, hadda waxaa jira saddex arrimood oo muhiim ah Atlético Madrid: €150 milyan ayay Arsenal ka rabtaa haddii Álvarez la iibinayo.
Arsenal: waxay doonaysaa ciyaaryahanka, balse waxay sugaysaa inay ogaato haddii uu dhab ahaan doonayo inuu u wareego London.
Barcelona: weli kama tanaasulin Álvarez, ciyaaryahankuna wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro Barça.
Be the first to comment