Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa bilaabaya xilli ciyaareedkiisii saddexaad isagoo wajahaya caqabad weyn oo taariikhi ah. Macallinka Jarmalka ayaa doonaya inuu Barcelona ku hoggaamiyo horyaalka La Liga markii saddexaad oo xiriir ah, taasoo ka dhigi karta tababarihii saddexaad ee taariikhda kooxda ku guuleysta saddex horyaal oo isku xiga.
Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan difaacanaysa horyaalka ay ku guuleysatay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, waxaana caawa ay booqanaysaa Elche garoonka Martínez Valero, iyadoo dooneysa inay bilowga tartanka sii xoojiso.
Haddii Flick uu Barcelona ku hoggaamiyo horyaalka xilli ciyaareedkan, wuxuu ku biiri doonaa koox yar oo tababarayaal ah oo taariikhda Barcelona meel gaar ah ka galay.
Johan Cruyff ayaa Barcelona ku hoggaamiyay afar horyaal oo La Liga ah oo xiriir ah:
1990/91
1991/92
1992/93
1993/94
Dhinaca kale, Pep Guardiola ayaa saddex horyaal oo xiriir ah ku guuleystay:
2008/09
2009/10
2010/11
Hadda Flick ayaa isku dayaya inuu gaaro heerkaas, isagoo fursad u haysta inuu noqdo tababaraha saddexaad ee Barcelona u horseeda saddex horyaal oo xiriir ah.
Laakiin hawsha Flick ma fududa. Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan xoojisay kooxdeeda iyadoo keentay ciyaartoy tayo sare leh, waxaana sidoo kale kooxda dib ugu soo laabtay José Mourinho, kaasoo doonaya inuu jebiyo awoodda Barcelona ee La Liga.
Sidaas darteed, dagaalka horyaalka ayaa xilli ciyaareedkan noqon kara mid aad u adag, iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan koobka.
Barcelona weli ma aysan helin weeraryahan heer sare ah oo si rasmi ah loogu magacaabi karo No.9 cusub, balse kooxda ayaa haysata weeraryahan da’yar oo indhaha soo jiitay.
Waa Hamza Abdelkarim, oo ah weeraryahan 18 jir ah oo Masri ah.
Abdelkarim ayaa intii lagu jiray kulamadii diyaar-garowga dhaliyay 4 gool, iyadoo Barcelona ay guud ahaan dhalisay 14 gool. Goolkiisii ugu dambeeyay wuxuu yimid kulankii Joan Gamper, markaas oo uu ka hor yimid kooxdiisii hore ee Al Ahly.
Warbaahinta Spain ayaa ku tilmaantay weeraryahanka da’da yar inuu yahay mid ka mid ah xulashooyinka ugu muhiimsan ee Flick, waxaana xitaa suuragal ah inuu fursad ka helo booska weeraryahanka dhexe.
Barcelona waxay sidoo kale leedahay rikoor cajiib ah marka ay booqato Elche, 12-kii kulan ee ay labada kooxood ku ciyaareen garoonka Elche dhammaan tartamada, Barcelona waligeed lagama badin, Barcelona ayaa halkaas ku guuleysatay 9 kulan, halka 3 kulan ay barbaro galeen.
Kulankii ugu dambeeyay ee Barcelona ku booqatay garoonkaas, xilli ciyaareedkii 2025/26, waxay Elche kaga adkaatay 3-1.
Guushii ugu dambeysay ee Elche ay Barcelona kaga gaarto garoonkeeda waxay ahayd 1974, markaas oo ay 1-0 ku badisay, balse kulankaas waxaa lagu ciyaaray garoonkii hore ee Altabix.
Flick wuxuu hadda haystaa fursad uu magaciisa uga qoro taariikhda Barcelona. Haddii uu horyaalka mar kale ku guuleysto, wuxuu ku biiri doonaa Cruyff iyo Guardiola oo ah tababarayaashii Barcelona ku hoggaamiyay ugu yaraan saddex horyaal oo La Liga ah oo xiriir ah.
Be the first to comment