Tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, ayaa ka hadlay xaaladda xiddiga reer Argentina ee Julián Álvarez, kaddib dhacdooyinkii muranka dhaliyay ee kulankii Atlético Madrid iyo Villarreal ee La Liga.
Álvarez ayaa kulanka ka bilaabay kursiga keydka, kaddib markii uu seegay kulankii furitaanka horyaalka sababo la xiriira inuusan weli diyaar buuxda ahayn, waxa uu qeybtii labaad kusoo galay ciyaarta, balse markii magaciisa lagu dhawaaqay iyo intii uu garoonka ku jiray, wuxuu la kulmay qaylo iyo foori ka imaanayay taageerayaasha Atlético Madrid.
Arrintan ayaa la xiriirta wararka sheegaya in Álvarez uu doonayo inuu ka tago Atlético Madrid, iyadoo Barcelona lagu xamanayo inay danaynayso saxiixiisa, gaar ahaan iyadoo raadinaysa weeraryahan mustaqbalka beddeli kara Robert Lewandowski.

Kulanka Villarreal iyo Atlético Madrid ayaa ku dhammaaday 2-2, waxaana xusid mudan in markii ciyaartu dhammaatay dhammaan ciyaartoyda Atlético ay u tageen taageerayaasha si ay u salaamaan, halka Álvarez uu si gaar ah oo keligiis ah ugu baxay dhanka qolka labiska.
Simeone ayaa markii wax laga weydiiyay sababta Álvarez uu kaligiis uga baxay garoonka, sheegay in maamulka kooxda uu go’aansaday in ciyaaryahanka laga fogeeyo taageerayaasha:- “Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa ii sheegay in kooxda ay go’aansatay inay ka hor istaagto inuu u dhowaado taageerayaasha. Waxay ahayd go’aanka kooxda in laga fogeeyo taageerayaasha ilaa uu qolka labiska tago,” ayuu yiri Simeone.
Tababaraha reer Argentina ayaa sidoo kale sheegay inuusan doonayn inuu bixiyo talooyin ku saabsan arrinta, isagoo xoogga saaray shaqadiisa:- “Waxa aan ka aaminsanahay arrintan? Anigu ma joogo meel aan talooyin ka bixiyo, Waxa ay tahay inaan sameeyo waa inaan shaqadayda diiradda saaro oo aan garoonka ku bixiyo waxa ugu fiican, haddii aan dooneyno koobab, waa inaan mideysnaano”
Simeone ayaa fariin cad u diray kooxda iyo taageerayaasha Atlético Madrid, isagoo sheegay in midnimadu ay muhiim u tahay haddii kooxdu doonayso inay u tartanto koobab waaweyn.
“Haddii aan dooneyno inaan ku guuleysanno koob, waa inaan mideysnaano, waana inaan haysannaa weeraryahanno, gaar ahaan weeraryahanno heer caalami ah. Dhammaanteen waa inaan sidaas u shaqeynaa,” ayuu yiri.
Markii wax laga weydiiyay xaaladda maskaxeed ee Álvarez, Simeone ma uusan doonin inuu faahfaahin badan ka bixiyo, wuxuuna sheegay inuu fahmayo walaaca ku saabsan ciyaaryahanka, balse uu doorbidayo inuu ka hadlo waxa ciyaarta ka dhacay.
Simeone ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in Atlético Madrid ay u baahan tahay inay garab istaagto ciyaartoyda kooxda:- “Waxaan u maleynayaa inaan si cad u hadlay, Waa inaan mideysnaano, Markii aan sidaas sameynay, waxaan awoodnay inaan u tartanno koobab muhiim ah.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u baahanahay weeraryahanno. Waxaan haysannaa weeraryahan, waana inaan ilaalinaa.”
Simeone ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay tartanka kula jirto ciyaartoyda hadda jooga qolka labiska, isagoo caddeeyay in inta ciyaaryahan uu Atlético Madrid ka tirsan yahay ay kooxdu si buuxda u taageeri doonto.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka Julián Álvarez ee Atlético Madrid uu weli mugdi ku jiro, iyadoo xiisaha Barcelona iyo falcelinta taageerayaasha ay xaaladda sii xoojinayaan.
Be the first to comment