Xiddiga kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Jarmalka, Jamal Musiala, ayaa ka hadlay dhacdooyinkii walaaca geliyay taageerayaasha kubadda cagta, kaddib markii uu laba jeer si lama filaan ah ugu dhacay gudaha garoonka muddo kooban gudaheed.
Musiala ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay xiriir la leeyihiin xaalad uu la noolaa muddo, taas oo uu ku tilmaamay “nawaabta maqnaanshaha” , kuwaas oo keeni kara inuu qofku muddo gaaban oo kedis ah miyirkiisa ama feejignaantiisa waayo.
Xiddiga Bayern Munich ayaa sheegay in xaaladdan aysan ahayn wax cusub oo noloshiisa ka mid ah, isla markaana uu helo daryeel caafimaad oo wanaagsan, Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay inuusan u arkin xaaladdiisa inay khatar caafimaad oo dheeraad ah ku tahay mustaqbalkiisa ciyaareed.
Musiala oo markii hore taageerayaashiisa cabsi geliyay markii uu garoonka ku dhacay ayaa isku dayay inuu bulshada dejiyo, isagoo sheegay inuu xaaladdiisa si wanaagsan ula tacaalayo, isla markaana uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalkiisa.
Dhacdooyinkan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha, gaar ahaan maadaama Musiala uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Bayern Munich iyo xulka Jarmalka.
Inkasta oo muuqaalladii uu garoonka ku dhacay ay abuureen walaac iyo su’aalo badan, Musiala ayaa sheegay inuu helo daryeelka lagama maarmaanka ah, isla markaana uu doonayo inuu si wanaagsan u sii wato xirfaddiisa kubadda cagta.
Be the first to comment