Rio Ferdinand: Arteta Waa Uu Isaga Tagi Lahaa Arsenal Si Uu Ugu Biiro Man United

Kabtankii hore ee Man United Rio Ferdinand ayaa sheegay in Mikel Arteta uu ku faraxsan yahay in uu isaga tago Arsenal si uu u noqdo tababaraha kooxdiisii ​​hore hadii shaqada loo dhiibo.

Waxa uu ku yidhi Vibe FIVE”Arteta waxa uu ka tagi doonaa Arsenal si uu ugu biiro Man United 100%”.

“Qofna ma dhahayo way dhacaysaa laakiin hadii Man United ay Iska dirto Ten Hag ama ay Bayern Munich soo dalbto Ten Hag”.

“Kadib ay Man United Arteta ka dhigato bartilmaameedkeeda 1-aad, waxa aan hubaa in uu Arsenal isaga tagi doono si uu ugu biiro Man United”.

Arteta ayaa shaqo fiican ka qabanaya koxda Arsenal xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdu u tartamayso koobka premier League iyo champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga