Thomas Tuchel Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Halista Badan Arsenal Ka Hor Kulankooda Champions Leageu

Thomas Tuchel ayaa aqoonsaday ciyaartoyda muhiimka ah ee Arsenal ay wajihi doonaan Bayern Munich kulanka weyn ee Champions League.

Arsenal ayaa u safreysa garoonka Allianz Arena habeenka Arbacada, iyadoo wareega 8da ay si xamaasad leh u socdaan ka dib markii ay barbaro 2-2 ah ku galeen Emirates isbuucii hore.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa ka hadlay laba xiddig oo cajiib ah oo u ciyaara kooxda Arsenal.

Tuchel ayaa sheegay in xiddigaha Bukayo Saka iyo Martin Odegaard ay yihiin xiddigaha ugu halista badan Arsenal.

“Waxa ay isku dayaan in ay mar walba fursado abuuraan oo ay weerar halis ah sameeyaan”.

“Saka iyo Odegaard mar walba waxa ay isku dayaan in ay horay u wadaan kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga