Sababtii Uu Nicolas Jackson U Palmer Ugu Qabsaday Rikoodhada Oo La Ogaaday.

Waxa dhacday arin fool-xun qaybtii dambe ee kulankii ay chelsea 6/0 kaga badisay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddigaha Noni Madueke iyo Nico Jackson ayaa isku dayay in ay Cole Palmer ka qaadaa kubada si ay u laagtaan rikoodhada.

Palmer ayaa ugu dambayn laagtay laakiin Jackson ayaa aad u doonayay in uu laagto rikoodhada.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ujeedka xiddiga Jackson u doonayay in uu laagto rikoodhada.

Jackson ayaa doonaya in uu gaadho 15 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Reer Senegal ayaa haatan dhaliyay 13 gool sidaas darteed waxa uu doonayay in uu dhaliyo goolka rikoodhada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga