Ten Hag: Waanu Badin Lahayn 100 Kulan Hadii….?

Erik ten Hag ayaa badiyay 61 ka mid ah 100kii kulan ee ugu horeeyay ee uu Manchester United tababare u ahaa ilaa haatan.

Markii wax laga weydiiyay tirakoobkan xiisaha leh Tababaraha Man United ayaa ku jawaabay”Waxay sheegaysaa inaan ku socono jihada saxda ah”.

“Sidaas darteed, qiyaas haddii aan haysano ciyaartoy badan oo diyaar ah, oo aan dhaawacyo soo gaadhin wax aan badin lahayn 70 ama 75 kulan, taasina waxay sheegaysaa mustaqbalka ifaya ee kooxdan marka ciyaartoyda la heli karo”.

“Haddii aad is barbardhigto, waxaad i bar-bar dhigtaa tababarayaasha kale markii ay dib u dhisayeen kooxaha kale waxa aad arkaysaa in aan leenahay mustaqbal Ifaya”.

“Sidoo kale, waxaan u maleynayaa inay tahay dheelitirnaan wanaagsan oo da’da kooxdan ah, halkaasoo ciyaartoyda da’da yar, ciyaartoyda da’da dhexe, ciyaartoyda khibrada leh ay isugu yimaadaan.”

Ten Hag ayaa intaa ku daray: “Bal qiyaas marka ay diyaar yihiin. Sida aan idhi, waxaan si fudud ugu guuleysan karnaa 100 kulan 75, taasina waa farqi weyn”.

Dhaawacyo ayaa burburiyay Ten Hag, iyadoo dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah ay ka maqan yihiin ciyaaraha bilowgii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga