‘Waxay dishay xaaskayga’: Pochettino Oo Daaha Ka Qaaday Wixii Uu Sameeyay Dhalashadiisa Kadib Barbarihii Brentford

Chelsea ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Brentford Sabtidii, March 2. Ciyaartu waxay ku soo beegantay maalinta dhalashada Mauricio Pochettino.

Tababaraha reer Argentine ayaa u sheegay wargayska Evening Standard “Waxay dishay xaaskayga sababtoo ah waxaan joojiyay cashadii. Waxaan ku idhi ma rabo inaan casho tago, waxaan rabay inaan guriga joogo”.

“Nasiib ayaan lahaa sababtoo ah shaqaalahayga tababarka ayaa ila joogay markaas. Waxaan dhammeynay maalinta daawashada Real Madrid iyo Valencia”.

“Maalmihii la soo dhaafay waxaan daawanayay ciyaaraha oo dhan. Kaliya ma daawan Champions League iyo Championship. Waxaan sidoo kale daawanayay Horyaalka Aasiya – Al Hilal-Al Ittihad, Al Ain-Al Nassr. Waxaan daawanayay ciyaaro kala duwan”.

“Waa run inaysan igu faraxsanayn, laakiin waxay si fiican u ogtahay in niyadda aysan aad u fiicneyn. Marka niyadu aysan fiicnayn uma fiicna qoyska”.

“Mas’uuliyadda waa inaan guuleysano oo aan siinno dareenka wanaagsan taageerayaasha. Waxaad dareemeysaa mas’uuliyadda marka arrimuhu aysan sidaa u fiicneyn.”

Chelsea ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay kow iyo toban dhibcood ka hooseysaa kooxda Man United oo ku jirta kaalinta lixaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga