Enzo Fernández ayaa si weyn uga hadlay ku biiristiisa Manchester City, isagoo sheegay in u dhaqaaqista kooxda ay ahayd riyo uu muddo dheer lahaa, Warbixinno maanta soo baxay ayaa xaqiijinaya in Fernández uu Chelsea uga wareegay Manchester City heshiis ku kacaya qiyaastii $169 milyan (£125m), taasoo ah lacag rikoor u dhiganta tan ugu qaalisan taariikhda Premier League.
Enzo Fernández: “Waxaan mar walba ku riyoon jiray Manchester City”, Fernández ayaa sheegay:- “Mar walba waxaan ku riyoon jiray inaan ka mid noqdo koox weyn sida Manchester City.”
Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay transfer-ka inuu yahay riyo u rumowday, isagoo yiri:- “Tani waa tallaabo riyo ah oo aniga ii ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay.”
Fernández ayaa hadda Manchester City kula midoobaya tababarihii hore ee Chelsea, Enzo Maresca, iyadoo City ay dooneyso inay dib u dhisto khadka dhexe kaddib bixitaankii Rodri iyo Bernardo Silva.
Be the first to comment