Southgate, Grealish, Isak, Mbappe, Bellingham, Araujo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso ugu yaraan 80 milyan hadii ay doonayaan inay daafaca dhexe ee Jarrad Branthwaite kala soo wareegaan Everton xagaagan (TEAMTalk).

Manchester United iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha Premier League ee ku waalan Rodrygo. Arsenal iyo Manchester City ayaa sidoo kale xiiseynaya, laakiin Real Madrid ayaan haatan xiiseyneynin inay iibiso weeraryahanka Brazil (SPORT).

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay Real Madrid iyo Chelsea kula dagaalanto daafaca dhexe ee Lille Leny Yoro kaas oo ku kacaya 51 milyan (MARCA).

Sir Jim Ratcliffe ayaa ku adkeystay in Manchester United aysan dooneyn inay la soo saxiixdaan ciyaartoy sida Kylian Mbappe ama Jude Bellingham, balse taa beddelkeeda ay doonayaan xiddigaha soo socda (Geraint Thomas Podcast Club).

Marka la eego bixitaanka, Raphael Varane uma badna inuu sii joogo Manchester United wixii ka dambeeya xagaaga (Caught Offside).

Bayern Munich ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Ronald Araujo mana u dhaqaaqi doonaan ilaa ay iska iibiyaan Matthis de Ligt, Dayot Upamecano ama Kim Min-jae (SPORT).

Arsenal ayaa liiska weeraryahankeeda ku dartay weeraryahanka Newcastle Alexander Isak. Isak saaxiibkiisa Sweden, Viktor Gyokeres, ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Gunners (Football Insider).

Manchester City ayaa laga yaabaa inay dhageysato dalabyada u imaanaya Jack Grealish xagaagan iyagoo doonaya inay lacag u ururiyaan saxiixyada mustaqbalka (HITC).

Ivan Toney ayaa hoos u dhacay liiska Arsenal, laakiin Chelsea, Tottenham iyo West Ham United ayaa weli xiiseynaya xiddiga Brentford (The Sun).

Milkiilaha Manchester United Sir Jim Ratcliffe ayaa ka dhigtay macalinka England Gareth Southgate dookhiisa ugu sarreeya si uu u bedelo Erik ten Hag xagaaga, waxaana uu jeclaan lahaa inuu go’aan ka gaaro 53 jirkaan si ka dhaqso badan (Star).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denmark Christian Eriksen, oo 32 jir ah, ayaa u sheegay maamulaha Manchester United Erik ten Hag inuusan ku faraxsanayn waqti la’aantiisa (Tipsbladet).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga