WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Taariikhda Wareega Bug-Baxa Champions League.

Wareegyada bug baxa champions League ayaa shaki la’aan ah kulamada ugu xiisaha badan tartanka marka la eego in ay isugu soo hadhaan kooxaha iyo xiddigaha ugu fiican.

Iyada oo la gaadhay wareega 8 dhamaadka champions League xiddigaha iyo kooxaha ayaa isha ku haya kulamada so socda.

Hadaba warbixintan waxa ku so bandhigi doonaa xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyay kulamada bug baxa champions league:

1.Cristiano Ronaldo – 67 gool:

Way fududahay in la iloobo in Ronaldo aanu gool ka dhalin Champions League ilaa kulankiisii 26-aad isaga oo laba gool ka dhaliyay kulankii ay Man United 7-1 kaga badisay AS Roma wareega 8da ee 2007dii.

Laakiin tan ilaa wakhtigaas waxa uu si joogto ah u dhaliyay goolal isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 70 gool kulamada bug baxa ah oo ka mid ah 140 gool oo uu dhamaan ka dhaliyay tartanka.

2.Lionel Messi – 49 gool:

Tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horeysay ee kulamada bug baxa champions League ka horyimid Chelsea bishii February 2006, Messi wuxuu argagax geliyay difaacyada kooxaha champions league ka ciyaara ku dhawaan 20 sano.

Waxa uu u dhaliyay 49 gool Barcelona wareega bug-baxa, oo ay ku jiraan goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Real Madrid iyo goolkii uu ka dhaliyay Bayern Munich.

3.Karim Benzema – 32 gool:

Inkasta oo uuna ahayn xiddig muuqda sabab la xidhiidha saaxiibadiisa oo haystay indhaha adduunka Benzema ayaa hadana door weyn ka ciyaaray guulihii Real Madrid ee champions League.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 32 gool kulamada bug baxa tartanka champions League.

4.Robert Lewandowski – 30 gool:

Waxa ay ahayd wax la yaab leh in la arko wareegyada bug-baxa ee Champions League xilli ciyaareedkii hore iyada oo aanu joogin halyeygii gooldhalinta reer Poland, marka loo eego sida uu waligii uga dhex muuqday marxaladihii dambe ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund muddo ka badan toban sano.

Xiddiga ayaa wareega Bug baxa champions League ka dhaliyay 30 gool uguna dambeeyay kulankii uu ka dhaliyay Napoli kulankii wareega 16-ka ee champions league xilli ciyaareedkan.

5.Thomas Muller – 27 gool:

Waa mid ka mid ah xiddigaha la iska indha-tiro, Mullr ayaa ku caan baxay caawintiisa goolasha.

Laakiin xiddiga ayaa sidoo kale wareega bug baxa ee champions League ka dhaliyay 27 gool uguna dambeeyay goolkii uu ka dhaliyay Lazio kulankii wareega 16-ka ee champions League xilli ciyaareedkan.

=6. Kylian Mbappe – 18 goals

=6. Raul – 18 goals

=6. Andriy Shevchenko – 18 goals

=9. Arjen Robben – 16 goals

=9. Filipo Inzaghi – 16 goals

 

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga