Shaxda Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta Oo La Soo Saaray.

Xiddigaha Arsenal,Liverpool iyo Manchester City ayaa lagu daray shaxda ugu qiimaha badan kubada cagta.

Xilli ciyaareedkan, Arsenal, Liverpool iyo City ayaa ku lug leh tartanka ugu adag ee taariikhda horyaalka premier League iyada oo ay 3 kooxood ku tartmi doonaan tartanka.

Haatan Gunners ayaa hogaanka ku haysa 71 dhibcood, waxayna isku dhibco yihiin Liverpool laakiin waxay ku hogaaminayaan farqiga goolasha.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee City ayaa hal dhibic ka hoosaysa labadan kooxood oo ku jirta kaalinta saddexaad.

Liverpool iyo City ayaa maamulayay kubada cagta Ingariiska dhowrkii sano ee la soo dhaafay laakiin imaatinka Arsenal ayaa ka dhigtay Premier League mid aad u xiiso badan.

Horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa ku sugan qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbadda cagta adduunka.

Sida ay daaha ka qaaday Transfermarkt, lix ciyaartoy oo Premier League ah ayaa ka soo muuqday shaxda ugu qaalisan kubada cagta.

Lixda ciyaaryahan ayaa kala ah Trent Alexander-Arnold, Ruben Dias, William Saliba, Declan Rice, Rodri iyo Bukayo Saka.

Kooxaha PSG, Fc Porto, Real Madrid ayaa dhinacooda shaxda ku leh shaxda ugu qaalisan kubada cagta.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga