Shaxda Ugu Fiican Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka Premier League Oo La Soo Saaray

Xiddigaha Kubada cagta adduunka ayaa u duulay gudashada waajibaadka xulalkooda iyada oo la galay fasaxii ugu horreeya ee caalamiga ah ee 2024.

Arintaas ayaa keentay fursad ah in la qiimeeyo xilli ciyaareedka iyada oo la eegayo xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Waxa la so saaray shaxdii ugu fiicnayd ee horyaalka premier Legaue ilaa haatan xilli ciyaareedka kaas oo la galayo 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxaha Arsenal,Liverpool iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya horyaalka premier League iyada oo Gunners haatan Liverpool farqiga goolasha kaga hayso hogaanka horyaalka premier League halka ay labadooduba hal dhibic ka horeeyaan kooxda Man City.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh min 3 xiddig.

Kooxaha Tottenham iyo Man City ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig Halka ay Aston Villa Hal xiddig ku leenahay.

PL TOTS so far

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga