Laba Waddo Oo Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Man City Hadii Uu Bukayo Saka Seego Kulanka.

Bukayo Saka ayaa lagu soo waramayaa inuu shaki ku jiro inuu taam u yahay kulanka soo socda ee Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Man City ka dib fasaxa caalamiga ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa ku qasbanaaday inuu ka tago xerada England dhawaan sababtoo ah dhibaato muruqa ah, waxaana uu u baahan doonaa inuu si adag u shaqeeyo si uu 100% taam ugu noqdo ciyaarta.

Iyadoo taas la sheegayo, Arsenal ayaa runtii badisay kulankii ay la ciyaareen kooxda Pep Guardiola horaantii xilli ciyaareedkan iyada oo aan Saka la’aanteed – kaas oo sidoo kale seegay kulankaas.

Waa kuwan laba qaab oo uu Mikel Arteta ku ciyaari karo hadii uu Saka taam u noqon waayo kulanka Man City.

Xulashada 1: sidii ay kaga hor tageen kulankii Emirates:


Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium kaga badisay Man City xilli ciyaareedkan iyada oo uu goolka guusha u dhaliyay Gabriel Martinelli.
Xiddiga reer Brazil run ahaantii xitaa kuma soo bilaaban ciyaarta oo wuxuu ku jiray kursiga keydka halka uu Saka seegay kulanka.

Haddii Arteta uu ku celiyo shaxda kulankii hore waxa ay la macno tahay in uu weerarka ku bilaabi doono Eddie Nketia sidoo kale waxa uu ka garab ciyaarsiiyay Gabriel Jesus iyo Leondro Trossard.

Iyada oo sidoo kale uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Gabriel Magalhaes, Ben White waxaa suurtogal ah in daafaca Midig laga ciyaarsiiyo xiddiga Takehiro Tomiyasu.

Xulashada 2: Trossard oo badala Saka:


Leandro Trossard waa ciyaaryahan ka ciyaari kara boosas badan, garabka weerarka hadii loo baahdo Waxa uu ka ciyaari karaa halkaas waxana uu u ogolaanayaa Kai Havertz inuu ka ciyaaro weerarka tooska.

Martinelli waa inuu ka sii ciyaaro booskiisa weerarka iyada oo Jesus la dhigi karo kadyka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga