
Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man City ayuu ka dhexeeyaa tartan ba’an oo horyaalka ah kaas ay ugu tartamayaan ku guulaysiga horyaalka.
Kooxaha ku tartamaya horyaalka ayaa haysta xiddigaha ugu fiican horyaalka maadama ay xiddigaha qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Xilli Tartanka horyaalku meel xiiso leh marayo waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee 3-da kooxood ee ku tartamaya horyaalka.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig maadama ay tahay kooxda difaacanaysa.
Kooxda Liverpool ayaa ku xigta oo shaxda ku leh 4 xiddig kadib wacdaro ay dhigtay xilli ciyaareedkan.
Hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal ayaa shaxda ku leh 3 xiddig kuwaas oo wacdaro ka dhigaya premier League xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment