Liverpool, Arsenal Mise Man City? Rio Ferdinand Oo Sheegay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Rio Ferdinand ayaa weli aaminsan in Manchester City ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League ka hor Arsenal iyo Liverpool – laakiin ma ahan kooxda uu doonayo inuu ku guuleysto.

Sida ay hadda tahay, kaliya hal dhibic ayaa u dhexeeya 3-da kooxood iyada oo tani tahay tartanka ugu adag ee taariikhda tartanka.

Arbacadii Gunners ayaa la wareegtay hogaanka premier League kadib markii ay ka badiyeen Luton Town halka ay City 4/1 uga badisay Aston Villa.

Liverpool ayaa la filayaa in ay hogaanka dib ula wareegto hadii ay ka badiyaan Sheffield United caawa.

Isagoo hadlayay ka hor ciyaaraha arbacada, Ferdinand wuxuu ku adkeystay in City ay noqon doonto kuwa qaadaya koobka bisha May, inkastoo uu qirtay inuu doorbidayo ay koox kale qaado.

“Waxa aan qabaa in ay kulamo fudud u dhimantahay Man City khibradna ay qeyb weyn ka qaadan doonto,” Halyeeyga Manchester United ayaa u sheegay TNT Sports.

“Liverpool waxa ay booqan doontaa 3 kooxood oo aan odhan karo way adag yihiin waana Fulham, Everton iyo West Ham laakiin waxa ay sidoo kale la ciyaari doonaan Aston Villa iyo Man United”.

“Arsenal ayaa sidoo kale ka kulamo adag Man City sidaas darteed waxa aan qabaa in ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga