Robert Lewandowski: Waan Ogahay Halka Aan Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe.

Robert Lewandowski ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xilli ay sii kordhayaan wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Barcelona ay iska iibin doonto xiddiga suuqa xagaaga.

Lewandowski ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Barca tan iyo markii uu 45 milyan euro kaga soo biiray Bayern Munich xagaagii 2022, isagoo dhaliyay 52 gool tartamada oo dhan labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Laakiin Barca ayaa weli lagu leeyahay €1.2 bilyan oo deyn ah, waxaana macquul ah in kooxda ay iska iibiso xiddiga 35 jirka ah oo lagu qiimeeyo 32 milyan oo euro.

“Aniga ahaan, wax walba waa cad yihiin, waana ogahay halka aan joogi doono xilli ciyaareedka soo socda”ayuu u sheegay wargayska Meczyki.

“Marar badan oo hore ayaan sidan idhi, halkanna waxba iskama beddelin”.

Lewandowski ayaa kooxda Barcelona ku hogaamiyay wareega 8 dhamaadka champions League waxana uu haatan isku diyaarinayaa kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto PSG.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga