Salah Oo Taariikh U Sameeyay Liverpool Kulanka Europa League

Mohamed Salah ayaa taariikh ku sameeyay kulankii Liverpool ay ku xasuuqday kooxda Sparta Praha kulan ka dhacay Anfield.

Liverpool ayaa 4-0 ku hogaaminaysay 15 daqiiqo gudohood kulan ka tirsanaa tartanka Europa Leaue lugat 2-aad.

Laakiin goolkii ugu muhiimsanaa ee ciyaarta laga dhaliyay ayaa ahaa goolkii saddexaad ee Reds oo uu u dhaliyay Salah kaas oo taariikhd u sameeyay kooxdiisa.

Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Liverpool abid ee dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii todobaad oo xiriir ah.

Dhinaca kale Salah ayaa ku jira kaalinta shanaad ee liiska gooldhalinta Liverpool, isagoo dhaliyay 206 gool 336 kulan oo uu ciyaaray Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga