Miyuu Xavi Sii Joogi Doonaa Barcelona Hadii Uu Kooxda Kula Guulayato Champions league? Xavi Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee xavi ayaa sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona xitaa hadii uu awoodo inuu kooxda Catalan ku hogaamiyo ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedka 2023-24.

Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa iska xaadirisay wareega 8-aad ee tartanka Yurub fiidnimadii Salaasada kadib markii ay 3-1 uga badisay Napoli lugtii labaad ee wareega 16-ka

Dhamaadkii bishii January, Xavi ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, isagoo sheegay in kooxda ay u baahan tahay isbedel firfircoon.

Kooxda reer Catalan ayaan laga badinin sagaalkii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu xavi ka tagi doono kooxda.

Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco ayaa albaabada u furay Xavi inuu sii ahaado macalinka kooxda, halka madaxweynaha kooxda Joan Laporta uu sheegay in uu ku qancin karo tababaraha in uu sii joogo kooxda.

Si kastaba Xavi ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in uu go’aankiisa badalo, uuna ka tagi doono xagaagan xitaa hadii uu awoodo in uu ku guuleysto Champions League.

“Hadda, macquul maaha inaan bedelo go’aankeyga, waxaan ka tagi doonaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka,” Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii Napoli.

“Waxaad isoo waydiinaysaa hadii aan sii joogayo hadii aan ku guulaysano Champions League, maya ma joogi doono”.

“mustaqbalkeygu isma bedeli doono, jawaabteyda isma bedeli doonto, waan bixi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga