
Waxa maanta La samayn Doonaa isku aadka wareega 8 dhamaadka champion league.
Arsenal ayaa markii ugu horeysay u soo baxday wareega 8-aad ee tartanka UEFA Champions League tan iyo sanadkii 2010-kii kadib markii ay ka badisay kooxda FC Porto.
Gunners ayaan kaliya si xoogan ugu tartamin hanashada horyaalka Premier League, laakiin hadda waxa ay fursad u haystaan in ay u tartamaan champions League.
Isku aadka afar dhamaadka Champions League ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta jimcaha oo ku beegan 15 March ma jiro sharci keenaya in ayna kooxaha isku dalka ah isku aadin maadama ay kooxaha isku dalka ah ay wada ciyaari karaan.
Taas ayaa la macno ah in Arsenal ay suurtogal tahay in ay isku aadaan kooxda ay xafiiltamaan ee Man City wareega 8 dhamaadka champions League xilli ay dagaal kula jiraan tartanka horyaalka premier League.
Real Madrid
Man City
Barcelona
Bayern Munich
PSG
Inter Milan/Atletico Madrid
Borussia Dortmund/PSV Eindhoven
Be the first to comment