Declan Rice Oo Digniin U Diray Man City Tartanka Premier League.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Declan Rice ayaa ka fariin u diray kooxda Man City tartanka horyaalka premier League.

Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier League.

Kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda hogamainaysa ee Man City.

“Weli ma dhammaan. Waxaan ku jirnaa meel aan la rumaysan karin, weli diyaar ayaan nahay, waxaan weli si buuxda diiradda u saarnay waxa aan dooneyno inaan sameyno iyo waxa aan ku guuleysan karno”.

“Waxa jiri doona Arimo badan oo dhici doona premier League, wax walba way dhici karaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga