Rudiger Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Ee Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa war xun la kulmay intii uu socday kulankii ay ka badiyeen kooxda Getafe ee ka tirsan horyaalka Spain.

Daafaca reer Germany ee Antonio Rudiger ayuu dhaawac ka soo gaaray bawdada qaybta hore ee ciyaarta.

Laacibka 30-jirka ah ayaa awoodi waayay inuu dhameystiro ciyaarta, waxaana booskiisa qaatay xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga daqiiqadii 46-aad.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaysa in uu Rudiger garoonka ka baxay isaga dhutinaya, iyadoo kooxda caafimaadku raaceen xiddiga.

Daafaca reer Germany ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaan dheeri ah si loo xaqiijiyo xaaladiisa kadib dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Waxaa xusid mudan in kooxda Real Madrid ka maqan yihiin xiddigaha Thibaut Courtois, David Alaba iyo Eder Militao kuwaas oo dhamaantood dhaawacyo ku maqan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga