Ten Hag Oo Sharaxay Sababta Kooxdiisa Looga Dhaliyay 3 Gool Kulankii Wolves.

Tababaraha kooxda Manchester United ee dalka England Erik Ten Hag ayaa sharaxay sirta ah in Red Devils laga dhaliyay 3 gool kulankii Wolverhampton.

Kooxda Man United ayaa guul aad u xiiso badan waxa ay 4-3 kaga badisay kooxda Wolverhampton fiidnimadii Khamiista, garoonka Molineux Stadium, kulan ka tirsanaa wareegii 22-aad ee horyaalka Ingiriiska.

“Waa guul weyn, laakiin aan waxa wanaagsan ka hadlano marka hore”ayuu Ten Hag u sheegay BBC Sport.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan u malaynayaa in aanu si fiican u ciyaarnay hal saac, waxa ay ahayd in aanu ku hogaamino 3-0 ama 4-0, laakiin ma aanu samayn, ugu danbayntii waxa ay ahayd mid caajis ah”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Sida nalooga dhaliyay goolasha ma ahayn in ay dhacdo, laakiin wixii intaas ka dambeeyay waxaan muujinay dabacsanaan, waxay ahayd kulan aad u fiican”.

Marka laga hadlayo seddexda gool ee nalaga dhaliyay”Dabcan waa inaan sameynaa si ka sii fiican, tani waxay sidoo kale dhacday horaantii xilli ciyaareedka, markii aan si buuxda u xakameynaynay ka dibna goolal nalaga dhaliyay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waa in aanu masuuliyad dheeraad ah isa saaro, wakhtiyadan oo kale, waxa aanu khibrad badan u leenahay kooxda. Waa in aanu maamulnaa ciyaarta”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga