Rio Ferdinand Oo Doortay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United Iyo Liverpool.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan inay jiraan shan ciyaartoy oo Manchester United ah oo geli kara shaxda Liverpool ka hor kulanka axada ee afar dhamaadka FA Cup.

Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda England ayaa isaga hor iman doona Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka premier League.

“Waxaan aan dooranayaa Onana. Dalot oo ku soo bixi kara shaxda Liverpool, (Bradley) sidoo kale si fiican ayuu u ciyaarayaa”ayuu Ferdinand u sheegay Vibe.

“(Ibrahim) Konate & Virgil (van Dijk) ayaan daafaca dhexe u dooranayaa”ayuu sii raaciyay.

“Khadka dhexe waxa aan u dooranayaa Kobbie Mainoo iyo Wataru Endo kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira”.

“Garbaha weerarka waxa aan u dooranayaa Salah iyo Garnacho kuwaas oo dhinacooda ku jira qaab ciyaareed fiican”ayuu sii raaciyay.

“Weerarka waxa aan dooranayaa Hojlund sababta oo ah waxa uu muujiyay tayadiisa ka hor intii uuna dhaawacmin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga