Ancelotti Oo Rikoodh U Dhigay Real Madrid

Carlo Ancelotti ayaa gaaray guushiisii 200-aad ee isagoo ah macalinka kooxda Real Madrid galabnimadii sabtida, iyadoo kooxda caasimadu ay 4-2 kaga badisay Osasuna kulan ka tirsan horyaalka Spain.

Vinicius Junior ayaa labo gool dhaliyay, halka Dani Carvajal iyo Brahim Diaz ay sidoo kale shabaqa soo taabteen, iyadoo Los Blancos ay afar gool ku badisay.

Real Madrid ayaa haatan 10 dhibcood ka sareysa Girona oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka La Liga, waxayna u noqotay galab gaar ah Ancelotti, isagoo 200 oo guul gaaray isagoo ah tababaraha kooxda caasimada.

Ancelotti ayaa 200-guul ka helay 277-kulan oo uu maamulay Los Blancos labo jeer oo kala duwan, iyadoo 129-ka mid ah guulahaas ay gaareen horyaalka Spain.

“Aad ayaan ugu hanweynahay, aad ayaan ugu faraxsanahay, laakiin waxaa ka sarreeya guusha halkan. Si fiican ayaan u ciyaarnay, waana seddex dhibcood oo aad muhiim u ah inaan ka fogaano kooxaha nagu Soo dhaw”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan gaarnay dhammaan guulahaas, laakiin kuma filna, waan sii wadi doonaa, waxaan u soconaa 201.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga