AS: Guddiga Garsoorayaasha oo qirtay in ciyaaryahan Atlético Madrid uu mudnaa casaan kulankii Real Madrid

Warbixin ay baahisay wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa sheegaysa in Guddiga Farsamada Garsoorayaasha Spain uu aqoonsaday khaladaad dhowr ah oo dhacay kulankii Derby-ga Madrid, kaas oo Atlético Madrid ay 2-1 kaga adkaatay Real Madrid, Kulanka oo ka tirsanaa wareegga 7-aad ee La Liga xilli-ciyaareedka 2026/27 ayaa waxaa ka dhashay muran la xiriira go’aannadii garsooraha iyo VAR.

Sida ay warbixintu sheegtay, guddiga garsoorayaasha ayaa qaba in ciyaaryahanka Atlético Madrid ee Kang-in Lee uu u qalnaa kaarka cas kadib qalad adag oo uu ku galay Federico Valverde, Dhacdadan ayaa dhacday qeybtii hore ee ciyaarta, balse garsooruhu wax kaar ah ma bixin, VAR-na dib uma eegin dhacdada.

Wargeyska AS ayaa sheegay in guddigu u arko in qaladkaasi uu ahaa mid mudnaa in ciyaaryahanka Atlético Madrid garoonka laga saaro, Dhanka kale, guddiga ayaa isku raacay in kaarka cas ee la siiyay daafaca Real Madrid Dean Huijsen uu ahaa go’aan sax ah, Huijsen ayaa qalad ku galay Giuliano Simeone, waxaana guddigu u arkaa in dhacdadu ay u qalantay kaarka cas iyo rigoore.

Warbixintu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay dhacdadii dhex martay Cuti Romero iyo Jude Bellingham, Garsooraha ayaa markii hore si khaldan kaarka jaallaha ah u siiyay ciyaaryahan Real Madrid, balse VAR ayaa ugu yeertay si loo saxo aqoonsiga ciyaaryahanka qaladka galay.

Kadib dib-u-eegista, garsooruhu wuxuu kaarka jaallaha ah siiyay Romero, Guddiga garsoorayaasha ayaa sheegay inuu fahmayo sida garsooruhu u maareeyay dhacdadan, maadaama ay ahayd xaalad jahawareer leh, inkasta oo ay jirtay suurtagalnimada kaarka cas.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo tababaraha Real Madrid, José Mourinho, iyo kanaalka Real Madrid TV ay si adag u dhaliileen garsoorkii kulanka, Sida ay sheegtay AS, guddiga garsoorayaasha wuxuu aqoonsaday in dhacdadii Kang-in Lee ay ahayd qalad aan la ciqaabin, halka kaarka cas ee Huijsen uu ahaa mid sax ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga